600 Deg Deg:-Qaramada Midoobe Maxay Ka tidhi Go ‘aanka Lagu Baaciyay Wakiilka U Jooga soomaaliya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:-Qaramada Midoobe Maxay Ka tidhi Go ‘aanka Lagu Baaciyay Wakiilka U Jooga soomaaliya.

Farhan Haq oo ah ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay si qota dheer ay u baadhayaan sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.

“Waan arag-nay arrinkaan, waxaan isku dayay-naa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo waxaana arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay, waana ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay warbaahinta.

Wuxuu sheegay in warka arintan ku saabsan uu soo gaadhay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo dhinaca kale siweyn u cambaareeyay weerarrkii hoobiyaha loo adeegsaday ee lagu qaaday xafiiska UNka ee Muqdisho.

Tallabada dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka QM ayaa ku soo beegatay xili siddoo kale shaqaale ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xaruntooda Soomaaliya ee ku taala xerrada Xalane.

Lama oga go’aanka xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu ka qaadan doonno go’aanka ay dowladda Soomaaliya shaqada uga joojisay wakiilkoodii Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...