600 Deg Deg Daawo Video:Axmed Madoobe Oo U Quus Gooyay Farmaajo Soona Bandhigay Ciidamo Culus. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Axmed Madoobe Oo U Quus Gooyay Farmaajo Soona Bandhigay Ciidamo Culus.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoob], ayaa Maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ciidamada Jubbaland, halkaasoo uu kula hadlay ciidammo gaar ah oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Madoobe, ayaa ciidamada iyo sarakiisha uu xarumahaas kula kulmay ku booriyay inay laba-laaban dadaalkooda iyo u diyaar-garowgood ku aadan hawl-gallada socda ee la isugu furayo magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ay awood ahaan aad u liidato oo aysan hor-istaagi karin ciidanka hawl-gallada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dar-dar leh loo wado.

Dhanka kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xorriyada looso celin lahaa, ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

Ciidamadan isugu jira ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa loo diyaariyay inay dagaal la galaan xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah deegaannada ay Jubbaland ka taliso.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Jubbaland ay ku dhawaaqaan inay dagaal la galayaan xoogagga Al-shabaab ee weli gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo haatan sheegay inay beegsanayaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...