Wararkii Ugu Danbeeyay Gobolka Cayn oo Lagu kala Gurtay iyo Isimada Dhulbahante Oo Isku Daawanaya Beelaha,
Buuhoodle{Khaatumonews}Magaalada Buuhoodle iyo Guud ahaan Gobolka Cayn waxaa ka jira Xaalad aad u cakiran Kadib markii Dil uu ka dhacay Doraad Magaalada Buuhoodle.
Gacan Ku Dhiiglihii Geestay Dilka ayaa Si Xoog ah Waxaa kula Baxay Ciidamo Ay Isku Hayb-yihiin taaso keentay In Labada Beelood Xiisad Ka dhex Curato.
Ganacsatada iyo Shaqsiyaadka Hal Doorka ah ee Ay Ka soo kala jeedan Beelaha Barkad iyo cali Gari ayaa ku kala Qaxay Deegaanada Buuhoodle Widhwidh iyadoo Cabsi laga qabo Dagaal.
Isimada iyo Odayaasha Dhulbahante Dhag Jalaq uma siin ilaa hada Xiisadan Leh Dabaqabashada Marka laga reebo Baaq ay ka soo Diren Garoowe Isimada Qaar kood.
Gobolka Cayn ayaa Hada U Muuqda mId Siigalaaya Gacanta Cadowga Iyadoo Colaadan oo Sii Hurta ay Guul u tahay Cadowga SSC.

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.