600 Deg Deg::DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg::DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera

Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekeddaas, 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa.

Sida aan xogta ku helnay, kulan uu guddoomiayah DP World Sultan Ahmed Bin Sulayman la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo.

Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kalyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera.

Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Somaliland.

Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab. Dhowaan Addis-Ababa waxay ku gacan seertay codsi ka yimid Hargeysa oo ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda dhulka Soomaalida ama Killinka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assaba ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo.

Si Kastaba ha Ahaate Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...