600 Deg Deg:guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa oo la shaaciyay Wakhtiga La Dooranaayo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa oo la shaaciyay Wakhtiga La Dooranaayo

Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo waqtiga la sameynayo guddiyada ka shaqeynayo arimahaasi.

Maalinta ugu dambeysa sanadka 2018 oo ah 31 December ayay dhamaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland isku imaanayaan, sida ay shaaciyeen xubnaha guddiga xalita Khilaafaadka Puntland.

Bisha Janaayo sanadka cusub seddexdeeda xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen, waxaana kadib 5 Bisha Janaayo ay soo xuli doonaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Sideeda bisha Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo sharaxeen 24 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas.

Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana marar badan musharixiinta looga digay in ciidamadooda ay kamid noqdaan amni daro ka dhacdo magaalada Garowe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021