600 War Deg Deg Ah:Maraykan ka Oo Laba Qodob Ku Dhawaaqay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Maraykan ka Oo Laba Qodob Ku Dhawaaqay,

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo  wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya.

“Wadajirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika. Markaa Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee  Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.” ayuu yiri Tibor Nagy.

Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda Maraykanku  ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.

Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa Somalia ka jooga askar ka badan 500 oo ka qeyb qaata weerarada dhinaca cirka ah ee lagu qaado Al-shabaab iyo tababarida ciidamada dowlada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...