600 Deg Deg:Isimada Koonfur Galbeed Oo War Adag Soo Saaray, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Isimada Koonfur Galbeed Oo War Adag Soo Saaray,

Xili maanta magaalada Baydhabo lagu wado in lagu qabto kullan ay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigaan khudbadahooda ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed waxaa ay shegeen inay haboontahay in doorashada dib loo dhigo.

Xaaladda magaalada Baydhabo oo maalamahan ba kacsaneyd kadib markii dowladda Federaalka ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Robow oo kamid ah musharixiinta doorashada ayaa odayaasha dhaqanka waxaa ay sidoo kale shegeen in jawiga hada uusan aheyn mid sahlaya in doorasho la qabto.

”Intii jawi degan laga helayo, dadka na laga la hadlayo oo xaaladda ay ka degeyso waxaan ugu baaqnay guddiga doorashaeda iyo ku-simaha madaxweynaha in dib loo dhigo doorashada”. Sidaasi waxaa yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah odayaasha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay faraha kala baxdo doorashada, si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kullanka maanta ay musharixiinta ku jeedinaya khudbadaha ayaa waxaan ka qeyb qeybgaleyn Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharaxiinta doorashadaasi kaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan ayaaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Mukhtar Robow ay qabteen ciidammada Itoobiya ee jooga Baydhabo, inkastoo Midowga Afrika ay shegeen in ciidammadooda AMISOM aysan wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow iyo Xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...