600 Deg Deg:-Roobow Oo Qarka Usaaran In La Siidaayo Shir Hada K socda Xalane, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:-Roobow Oo Qarka Usaaran In La Siidaayo Shir Hada K socda Xalane,

Muqdisho{Khaatumonews}Warar aan heleyno ayaa sheegaya in shir Xasaasi ah oo looga hadlayay xariga Roobow iyo xiisaddii ka jirtay magaalada Baydhabo uu ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa lagu falanqeeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Roobow.

Shirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Safiirka UK, Safiirka Turkey, Safiirka Jabuuti Urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo lataliyaasha dowladda Qaarkood, sida xogta aan ku heleyno.

Waxyaabaha la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo, islamarkaana uu ku laabto magaalada Baydhabo si uu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Waxaa suuragal ah in Mukhtaar Roobow lasii daayo Maanta oo gelinka dambe uu ku laabto magaalada Baydhabo, ama in beri lasii daayo sida ilo Xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Lataliyaasha dowladda Matalayay ee ka qeyb galay shirka ayaanan ku qanacsaneyn waxyaabaha shirka looga hadlay, waxaana la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ku aqbali doonto qorshaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa ogolaanshaha sii deynta Mukhtaar Roobow si uu kaga qeyb gal doorashada, waxaana la doonayaa in doorashada lagu reebo, sida wararka ay sheegayaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021