600 War Deg Deg Ah:-Ergeyga Midowga Afrika U Qaabilsan Soomaaliya Oo Iska Fogeeyay In Amisom Lug Ku leedahay Xariga Roobow | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:-Ergeyga Midowga Afrika U Qaabilsan Soomaaliya Oo Iska Fogeeyay In Amisom Lug Ku leedahay Xariga Roobow

Muqdisho{Khaatumonews}War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa looga hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur –galbeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay walaac xooggan ka qabaan xariga Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhaliyay xiisadaha ka taagan Baydhabo, iyadoo lagu sheegayo qoraalka inaysan ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xirga loo geystay Roobow.

“Waxaan il-gaar ah ku haynay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur-galbeed iyo soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa xubnaha u taagan doorashada maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu Danjire Madeira ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Wuxuu ciidamada AMISOM kula dar-daarmayaan in aysan ka qeyb noqon xiisadaasi siyaasadeed ee Baydhabo ka socda,  isagoo xusay inay rajeynayaan in xiisadaasi ugu dambeyn la xaliyo.

“AMISOM, waxay diyaar u tahay inay xushmeyso jiritaanka midnimada guud ee Somalia, waana waajib in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed aynan qayb ka ahaan, waana ku dadaali doonaa inaan ciidamadeena xadeyno,” ayuu mar kale ku yiri qoraalkisa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjire Madiera wuxuu hadalkiisa ku daray inay ka xun yihiin shacabkii ku dhintay xiisada ka taagan Baydhabo, isagoo xusay inay u rajenayaan in dad kale aysan ku dhiman rabshadahaas, lana soo af-jaro.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisad ay ka tagan tahay Baydhabo maalintii saddexaad, isla markaana ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay la wareegeen amniga guud ee Baydhabo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021