600 Deg Deg:–Xiisad Cakiran Oo Ka Dhex Qaraxday Dalalka China iyo Cannada | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:–Xiisad Cakiran Oo Ka Dhex Qaraxday Dalalka China iyo Cannada

Waxaa sare usii kaceysa xiisada u dhaxeysa dalalka China iyo Canada kadib markii ay booliiska Canada todobaadkii hore xidheen haweenayda maalqabeenka ah ee Meng Wanzhou oo ka tirsan mulkiilayaasha shirkada weyn ee Huawei oo laga leeyahay China.

Meng Wanzhou ayaa waxaa dhalay  ninka aasaasay shirkada weyn ee Huawei ee wadanka China, waxayna hada tahay Madaxa Maaliyada ee shirkadaasi ayaa waxaa dacwad kusoo oogay dowlada Maraykanka oo ka codsatay Canada in loo soo gacan geliyo.

Kiiska haweenaydan ayaa weli horyaal maxkamada Canada oo maalin kahor damiin 7 milyan oo dollar ah kusii deysay Ms. Meng Wanzhou. Maraykanka ayaa ku eedeeyey shirkada Huawei inay jabisay xayiraadii saarneyd dalka Iran iyagoo ganacsi qarsoodi ah la-lahaa xukuumada Tehran.

Dowlada China oo horey u cambaareysay xariga haweenaydan u dhalatay dalkooda, ayaa dhankoodana xabsiga dhigay Michael Kovrig oo ah diblumaasi hore oo u dhashay Canada kaasi oo hada la shaqeeya hay’ada International Crisis Group.

Michael Kovrig ayaa la sheegay inuu hawlo shaqo uu u joogay dalka China. Waxaa maanta oo Jimce ah soo baxaya xog kale oo sheegaysa inay dowlada China xabsiga dhigtay muwaadin labaad oo u dhashay dalka Canada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...