600 War Deg Deg Ah::Diyaarad La Saaray Mukhtaar Roobow iyo Halkey Ku Wado, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Diyaarad La Saaray Mukhtaar Roobow iyo Halkey Ku Wado,

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka duushay diyaarad gaar ah oo loogu tala galay in Baydhabo looga soo qaado Musharax Mukhtaar Roobow oo Baydhabo lagu xiray.

Diyaarada oo ah nuuca yar yar ayaa saacad kadib la filayaa in ay gaarto magaalada Baydhabo, waxaana diyaarada magaalada Muqdisho usoo qaadeysa Abuu Mansuur oo Maxbuus ah.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in iyadu ka dambeesay xariga maanta magaalada Baydhabo ugu geesteen ciidamo Itoobiyaan ah, waxa ayna Dowlada Abuu Mansuur qaab qasab ah ugu soo qaadeysaa Muqdisho.

Lama oga in dowlada ay Xabsi dhigi doonto Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur marka la keeno Muqdisho iyo in kale, waxa ayna dowlada horey uga dalbatay Abuu Mansuur in uu isaga haro doorashada balse ka biyo diiday.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...