600 War Deg Deg Ah Daawo sawiro:Laga Soo Qaaday Xaalada Baydhabo, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo sawiro:Laga Soo Qaaday Xaalada Baydhabo,

Muqdisho{Khaatumonews}Wararkii ugu dambeeyay aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wali xaalad kacsanaan ah ka jirto magaaladaasi, waxaana rasaas xoogan laga maqlayaa qeybo badab oo kamid ah magaalada

Dagaalkii xooganaa ee ka socday agagaarka Madaxtooyada Baydhabo ayaa xoogaa qaboobay, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadii taabacsnaaa Abuu Mansuur ay dib uga gurteen goobihii dagaalka ka bilowdeen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay magaalada Baydhabo, dad shacab ah ayaana waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka dhacay Baydhabo.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya iyo kuwa booliiska ayaa lagu daadiyay qeybo badan oo kamid ah magaalada , waxa ayna ciidamada isku dayayaan in xoog ku dajiyaan xiisada ka dhalatay Xariga Abuu Mansuur ee ka taagan magaaladaasi.

Sida aan Wararka ku heleyno shacabka magaalada Baydhabo ayaa iyaga oo careesan isugu soo baxay wadooyinka magaalada, waxa ayna shacabka ka careesan yihiin xariga maanta loo geestay Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada ayaa rasaas ku kala eryaya shacabka banaan baxada dhigaya, waxaana wali magaalada ay tahay mid qasan oo laga maqlayo rasaas sidoo kale ka socdaan banaan baxyo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...