dahabshiil

Deg Deg:Alshabab Oo Fagaare Ku Toogatay Sadex Ruux iyo Sababta Ay U Dishay,

Xarakada Al Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogatay sadex ruux oo mid kamid ah lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada soo dooratay.

Al Shabaab ayaa sadexda ruux ee xukunka dilka ku fulisay ku eedeesay in ay diinta ka baxeen, waxaana labo kamid ah sheegeen in ay ahaayeen askar katirsaneyd milatariga Soomaaliya halka kan sadexaadna ku sheegeen ergay Xildhibaan soo doortay.

Fagaaraha Mubaarak ayaa lagu toogtay Maxamad Tifow Xaydar oo ahaa 59 sano jir Al Shabaab ku eedeeyeen in uu kamid ahaa Ergadii Baarlamaanka kusoo doortay Baydhabo, waxaana ninkan la sheegay in uu wax kasoo doortay Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Mahad Cabdullaahi Abuukar oo ahaa 29 sano jir ah ayaa isna lagu eedeeyay  inuu kamid ahaa Milatariga Dowlada tababarna kusoo qaaday xerada Nacnaca oo ku dhow Xalane muddo sannad ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.

Ninka Sadaxaad ee la toogtay ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 sano jir ah islamarkaana degganaa Muqdisho. Maxkamadda ayaa sheegtay in lagu eedeeyay inuu kamid ahaa ciidamada dowladda kana shaqeynayay Shalaambood.

Fagaaraha sadexdan ruux lagu tooganayay waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo ka kala yimid xaafadaha deegaanka Mubaarak kuwaa oo usoo daawasho tagay qaabka u dhacayay xukunka dilka ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Madaxweyne Mustafe Cagjar oo loogu baaqay in uu is casilo
- Mar 24, 2019
Jigjiga{ Khaatumonews }Waxaa soo baxay Siyaasiyiin dhaliilsan siyaasada uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ku hoggaamiyo ...
Deg Deg:Digniin Loo Diray Shacabka Muqdisho.
- Mar 24, 2019
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ...
Deg Deg:Axmed Madoobe Magacaabay Guddiga Doorashada Jubaland iyo Tiradda Xubbnaha +Magacyadooda.
- Mar 24, 2019
Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha ...
Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah
- Mar 24, 2019
Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan ...
Deg Deg Daawo:Somaliland Sir Culus Oo La Qarxiyay.
- Mar 23, 2019
Warbaahinta Hargaysa ayaa dabagal xoogan ku samaysay shaqaalaha iyo xubanaha Ka soo jeeda Deegaanka ...