600 War Deg Deg Ah:Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashandhiga Oo Go aan Yaab Leh Soo Saaray, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka Gaashandhiga Oo Go aan Yaab Leh Soo Saaray,

Buuhoodle{Khaatumonews}Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aan laga qaatay xubnaha Al Shabaab ee lagu soo qabto howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadda waxii ka dambeeyay xubnaha Al Shabaab ee howlgalada iyo dagaalka lagu soo qabto xabsiga la geyn doonin.

Taliyaha oo hareerihii ay fadhiyeen saraakiil ciidan iyo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in xubnaha dagaalka lagu soo qabto ee ka tirsan Al Shabaab lagu toogan doono goobtooda.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa shaaciyay go’aankaasi ah in xubnaha Al Shabaab lagu toogto goobta lagu qabto, si looga hortago falalka amni daro ee ay geysan karaan.

Arintaan ayaa u muuqata inay jawaab u tahay dilkii maalmo ka hor deegaanka Dhanaane loogu geystay taliyihii ciidamada guutada 12-ka April iyo abaanduulihiisii, waxaana la ogeyn sida loo dhaqan gelin doono.

Xabsiyada Muqdisho ayaa lagu xiraa xubnaha Al Shabaab ee lasoo qabto iyaga oo ku howlan falal amniga ka hor imaanaya, waxaana ugu dambeyn qaarkood lagu sii daayaa qaab wadahadal ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021