600 Dhirbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday xukuumadda nabad iyo nolol. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dhirbaaxo siyaasadeed oo ku dhacday xukuumadda nabad iyo nolol.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal ayaa diiday kala diristii gudiga Maaliyada iyo la xisaabtanka, warbixintii ay soo saareena sheegay In ay dhamaystiraan isla markaana soo marsiiyaan wadadii loogu talo galay.

Arrintani waxay ka dhigan tahay.

1. In xukuumadda iyo guddoonka Golaha shacabku kala dhaqaaqeen oo siyaasadu isbadel badan tahay , gacanta nabad iyo nololna uu ka baxay guddoomiyaha golaha shacabku.

2. In warbixintii miisaaniyaddu ee 2018 sideedii tahay, taasina ay tilmaamayso in musuq maasuq baahansani dhacay.

3. In xisaab xidhkii 2017 isagana la soo afjaro taasina ay ku tahay xukuumadda dhaawac kale oo Musuqmaasuqa ka dhacay xisaabtii sanadkaas iyana ay tahay arrin sugaysa xukuumadda.

Waxaaa jira hadaba sababo la tilmaamayo In ay ku kala boodeen guddoomiyaha golaha shacabka iyo xukuumadda nabad iyo nolol.

1. La tashi la’aan ay ku talaabsatay xukuumadda nabad iyo nolol ay la tashan weyday guddoomiyaha baarlamaanka , isla markaana ay adeegsatay ku xigeenada guddoomiyaha golaha Cawad iyo Muudeey.

2. Xukuumadda oo ka soo horjeeda in Roobow loo doorto madaxweynaha Koonfur Galbeed, guddoomiyaha baarlamaankuna uu taageersan yahay in Roobow la taageero, caadisna guddoomiyaha golaha shacabka uu kaga yimi xildhibaanada Koonfur Galbeed, ismuujina ay goobta ku jirto, iyo in dhinac walba wuxuu rabo loo yeelo.

Marka laysku soo xooriyo guddoomiyaha golaha shacabku wuxuu muujiyey in uu yahay nin ku dhac leh isla markaana go’aankiisa qaadan kara, aana gacanta ugu jirin Xukuumadda, uuna adeegsaday is miskiini intaad kursiga isku hubsanaysid, haddana uu muujiyey in go’aano badan gacantiisa ku jiraan.

Waa iska caadi in siyaasadda yeega laysugu rogo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...