dahabshiil

Deg Deg::Itoobiya Dhoofineysa shidaalkii ugu horeeyey ee ka soo baxay dhulka Soomaalida

Jigjiga{khaatumonews}Itoobiya ayaa Markii ugu horeysay waxay isku diyaarinaysaa inay shidaal u dhoofiso dibeda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee dalkaasi.

Dowlada ayaa sheegtay soo saarista shidaalka Degaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynayo saddex sano.

Qasala Tadese oo kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta ee Itoobiya ayaa sheegay in muddo 3 sano ah lagu soo geba gebeynayo qorshaha ku aadan diyaarinta hanaanka shidaal dhoofinta iyo soo saaristiisa.

Itoobiya ayaa sheegaysa in ay qodayso boqolaal ceel shidaal iyo in la fuliyo mashaariic waaweyn si loo helo fursad sahlaysa in dalka uu soo saaro shidaal, waxaana shidaalkaasi laga heley degaanka Soomaalida ee Itoobiya, ka dib markii bishii June ee sanadkan ay wasaaraddu sheegtay in keyd shidaal laga heley dhulka Soomaalida ee ku yaalla Bariga Dalkasi Itoobiya.

Raiisul wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr Abay Axmed ayaa laga soo xigtay isagoo shacabka ugu hambalyaynaya in dalkiisa uu soo saarayo 450 fuusto shidaal maalinkasta.

Meelaha ilaa iyo haatan laga heley shidaalka waxaa kamid degaanada Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella, balse shidaalka laga helay dhulka Soomaalida ayaa ah mid u diyaarsan soo saarista.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Lafaruugaawi says:

    Dhulkee somaalida ?ma somaliland Republic!!! Xabashidi ma petrol ⛽ bay heshay taloow xaggay ka dhoofinayaan illayn bad maba laha’e.
    Yaa DEKAD naga kireysanaya iyo business xalaal ah no deposit just services ka iska bixi.
    http://www.shidaalka somaliland 2019
    http://www.shidaalka somaliland 2019

  2. Qaybdiid says:

    Somalidu waa ifka lagu dhaxal. Allaah Kariim. 8 Milyan oo Somaliya ayay waxay ku gumaysanaysay 64 sanadood dhulkoodii, maantana shidaalkoodii bay ku sii darsanaysaa, haddii Alle weyne garansiiyo xaqooda, oo ay xoraystaan dhulkooda ha la soo baxaan shiidaalkooda. Kuwa ay qabto ayaa u saxiixaya inay…

  3. Wadaniboy says:

    Muqdsho basaaso kismaayo hobyo. Garacad jabuuti. Iyo asmara. Jegaanta somali nimo waad diideen ogaada. Cidna shidaal idinka dhoofunmayso waayo somali degan kililkashanaad. Jegernata. Horaan somali ugacararteen. Ogaada. Hada ha iskudhadhajinina somalida markayheshay shidaal. Absame. Idin marabo waayo tikreega baad kagadeen intaad citiraafka raadinaya een. Caqligiina. Waa la ogyahay hawiyaha darood. Raxanwayn Ciise gadabuursi way idin ogyihiin inaad somali necebihiin.




script>
Bahda Khaatumonews Oo Dhambaal u Dirtay Reer Khaatumo,the people of khatumo
- May 19, 2019
Maamulka iyo Shqaalaha Shabakada khaatumonews waxaa Ay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa Gobolada SSC ...
Daawo:Burco Hargaysa Ceerigaabo Oo Calanka Somaliya Is Qabsaday iyo Baadi Goob Oo Niyada Jabiyay Jeegaanta,
- May 19, 2019
Shabakadda caalamiga Ah Khaatumonews Waxaa Ay Halkan idiin ku soo gudbinasa Barnaamjika Baadi Goob ...
Deg Deg Daawo:Sida Laascaanood Maalinta Qashinka 18 May Looga Guray
- May 18, 2019
Waxaa maanta magaalada laascaanood luuq kasta iyo jidkasta maleeshiyaadka SNM dhigen ciidan si aan ...
Deg Deg Daawo:Muuse Biixi”Puntland Hasoo Dayso Maxaabiistii Tukaraq Anaguna Waanu u Siidaynana Kuwan Hayno’
- May 18, 2019
Hogaamiyaah maamulka SNM Muuse Biixi ayaa caawa ku dhawaaqay In uu Siidaynaayo maamulkiisu Maxabiisti ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Ajaniibta ku Sugan Xerada xalane Muqdisho Oo Maalinta Qashinka 18 May Ka Qeyb Qaatay.
- May 18, 2019
Iyadoo maanta Gobolada Dalka soomaaliya Gaar ahaan Kuwa khaatumo ay u tahay Maalinta Nadaafada ...