dahabshiil

Deg Deg:-Sir Culus Khilaafka Gaas iyo Camey Oo La Ogaatay Meeshu Salka Ku Hayo’

Waa markii u horeysey oo khilaaf noocan ahi ama heerkaas gaara oo aan waxba la isu reeban soo kala dhexgalo Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa tan iyo dhismihii Puntland.

 

Inkastoo dhawr mar ay is maan dhaafeen Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf iyo Maxamed C Xashi labadoodaba alle ha u naxariistee hadana waxay ahaayeen kuwo xalistay arimahooda.

 

6 bilood kadib doorashadii Gaas iyo Camey ee 2014 ayuu soo shaac baxay khilaafkii u horeeyey ee labada masuul xiligaasoo la isku qabtay hab maamulka maaliyada ee Eng Camey oo Gaas saluugey sida wax loo maareeyey mudo uu ku maqnaa mid kamid ah safaradii ugu dheeraa ee uu dalka kaga baxay markii la doortay kadib Madaxweyne Gaas.

 

Wixii intaa ka danbeeyey waxaa jirey khilaaf marba meel joogey oo la odhan karo wuxuu ahaa baaxaa deg siyaasadeed mar shiiqayey marna ladhka iyo lurka kharaar kor u kacayey.

 

Heer uu doonaba ha joogee maanta wuxuu soo gaarey halkii u danbeysey oo u muuqata inaan waxba la isula harayn (Neef gawracan geedo kama leexdo).

 

Maxaa sabab u ah in xaaladu hadda halkan timaado.?

 

Ololaha doorashadda, hardanka iyo suxul duubka loogu jiro xulista xildhibaanada cusub ee Puntland waa sababta koowaad ee salka u ah khilaafka gudigan.

 

Waa arin aan qofna ka qarsoonayn in Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne kuxigeen Camey labaduba gacan togaaleeyeen iskuna dayeen inay saamayn ku yeesheen xulista xildhibaanada cusub.

 

Eng Camey wuxuu u dagaalamay in xildhibaano isaga la mowqif ah soo baxaan gaar ahaana kuwa gobolka Cayn oo uu kasoo jeedo.

 

Kursiga dagaalka ba’an ka dhacay oo Gaas iyo Camey ku hardameen waxaa kamid ah xildhibaanka jifadda Madaxweyne Camey oo 5 tii sano ee u danbeeyey uu ku fadhiyey Xil Cumar X Cabdi Akbe. Eng Camey wuxuu si weyn ugu dadaaley inuu kursiga kusoo laabto Xil Cumar taasoo uu ku guuldaraystey.

 

Qodobka labaad ee dagaalka ba’an ka dhashay oo markale Gaas iyo Camey isku maan dhaafeen ayaa ah magacaabista xubinta gudiga xalinta khilaafaadka u gelaysa gobolka Cayn kaaso Madaxweyne Gaas u magacaabay Huseen Cali Xasan (Somali) halka Eng Camey soo jeediyey in laga dhigo laba nin oo kale midkood.

 

Balse Gaas oo la tashanaya Xildhibaanada cusub ee deegaanka kasoo jeeda (aan wali la ansixin) kuwaasoo wata saxiixa Isimadooda ayaa ku gacan sayray arintaas oo magacaabay Xuseen Soomaali.

 

Waxaa xusid mudan in Eng Camey 6 bilood ka hor isbaray Xuseen Soomaali iyo Madaxweyne Gaas. Xiligaas Camey wuxuu soo jeediyey in Xuseen lagu daro gudiga Xalinta khilaafaadka balse dabaysha siyaasadeed ee marba dhinac u roorta iyo gadgadoonka waayaha oo ay ugu horayso arinta Xildhibaanka aan kor kaga soo sheekaynay ayaa Camey mowqifkiisa bedeley balse waxba ugama suurta gelin.

 

Labada masuul ee talada haya dastuurku wuu kala jideeyey awoodahooda siyaasiga ah balse hadda arintu waxay u muuqataa in dastuurka dhinac la iska dhigay xaalkuna yahay isku maqan lagu maqan yahay.

Arinta Baarlamaanka iyo gudoomiyaha wakhtigiisu dhamaaday.

 

Sharciyan Puntland hadda malaha baarlamaan. Dastuurka Puntland ayayna ku cadahay wixii ka danbeeya bilowgii Nov in uu dhamaaday wakhtigii baarlamaanka loona dareeray xulista baarlamaan cusub. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanku wuxuu lumiyey xubintii xildhibaanimo ee beeshiisa arimaha faragelinta ayaa keenay in wiil kamid ah shaqaalaha Madaxtoyada uu kaga guulaysto tartankii xildhibaanka ee beesha dhexdeeda.

 

Sidaas darteed majirto awood sharci oo maanta uu leeyahay gudoomiyaha baarlamaankii 4’aad ee Puntland.

Halkee saldhigan doontaa xaaladdani.?

Inta xog ogolaalka ah iyo kuwa sharciga dalka wax uun ka akhriyey caad kama saara meesha arintu sal dhiganayso oo baarlamaanka waxaa ansixin doona gudiga Ku soo baxay xeer Madaxweyne.

 

Arintuna kama duwanaan doonto gudigii musharaxiintu ka barbar magacaabeen xiligii Faroole gudiga magacaabay taasoo markii danbe iyadoo aan la wada hadal wax heshiis ahna dhicin loo hogaansamey gudii Faroole magacaabay.

W/Q Khadar Awl Ismail

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 4)

  1. Daacad says:

    Camey hurdada halaga kiciyo oo hala toosiyo.
    Markii horena waa lagu daneysanaayey haddana waa laga maarmey .(majeerteen caqligaan ku jeclaadey)

  2. Idman says:

    Waar dadka walaalahaa haysku dirin khalad iyo damdamlayn lama wadaago waxaa dabiga leh Camey oon shaqadiisii inuu u hogaansanaado puntlandna u hiiliyo rag ka waaleen. Asagu maskaxiyan ha soo noqdo intaadan tolka majeerteen eedayn. Tan kale kuraasta dhulbahante ma dhaxaltooyaa? Haddii qofkuu la rabay waayey oo inaadeerkiis helay muxuu madaxweynihiisa ugu xaydhaamayaa muu ku farxo?
    Bal adba!

  3. Libaax Ciije says:

    Baarlamaan Madheertenia waa

    17 Xildhibaan oo reer Sool ah iyo 9 xidhibaan oo reer Sanaag bari ah oo Jamhuuriyadda Somaliland ah that means 66 minus 26 equal 40 Biddood iyo soo raacaadu qabsanayaan waar show Bug 🐛 land waaba Gobol Somaliland Republic ka mid ah
    @ Allaw u siyaadi somaliland
    Socotee

  4. Mujaahid Darwiish#1 says:

    Camey wuxuu moodayey inuu meesha waxku leeyahay lkn haday ucadaatay inuu marti yahay,
    Kkkkkkkkkkkkk




script>
Bahda Khaatumonews Oo Dhambaal u Dirtay Reer Khaatumo,the people of khatumo
- May 19, 2019
Maamulka iyo Shqaalaha Shabakada khaatumonews waxaa Ay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa Gobolada SSC ...
Daawo:Burco Hargaysa Ceerigaabo Oo Calanka Somaliya Is Qabsaday iyo Baadi Goob Oo Niyada Jabiyay Jeegaanta,
- May 19, 2019
Shabakadda caalamiga Ah Khaatumonews Waxaa Ay Halkan idiin ku soo gudbinasa Barnaamjika Baadi Goob ...
Deg Deg Daawo:Sida Laascaanood Maalinta Qashinka 18 May Looga Guray
- May 18, 2019
Waxaa maanta magaalada laascaanood luuq kasta iyo jidkasta maleeshiyaadka SNM dhigen ciidan si aan ...
Deg Deg Daawo:Muuse Biixi”Puntland Hasoo Dayso Maxaabiistii Tukaraq Anaguna Waanu u Siidaynana Kuwan Hayno’
- May 18, 2019
Hogaamiyaah maamulka SNM Muuse Biixi ayaa caawa ku dhawaaqay In uu Siidaynaayo maamulkiisu Maxabiisti ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Ajaniibta ku Sugan Xerada xalane Muqdisho Oo Maalinta Qashinka 18 May Ka Qeyb Qaatay.
- May 18, 2019
Iyadoo maanta Gobolada Dalka soomaaliya Gaar ahaan Kuwa khaatumo ay u tahay Maalinta Nadaafada ...