dahabshiil

Dagaalkii Ugu Xuma Oo Turkiga Loo Qorshaynaayo.

Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya.

Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta.

Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga.

Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Maxamed Bin Zaid.

Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada.

Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan.

Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas.

Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 6)

  1. Yusuf says:

    Ha la edbiyo Turkiga waayo waxa uu taageeraa argagixsooyinka oo dhan sida Khaasuuji iyo Soomaaliya

    • WARAN says:

      Yusuf
      Waxaad ka mid tahay ciyaalkii uu tababaray khaniiskiu Anderson cooper markaa waxba lagu waydiin maayo oo futadaa ku neefsanaysa stupid xun oo xabashidu gumaysato isaga iyo aabihiiba ayaad tahay

  2. Mohamed says:

    Yuusuf:
    Waxad tahay cawaam adoon eh oo xabashi maskaxda iyo aqliga ka gumaysato, annaku waxan Kuu raadin xornimo taam eh.
    Dhal xabashiyeed

  3. Asad says:

    Asc soomaalidu waxay kumaahmaahdaa nin walba kaskii buu kor tagaa ninkan kumagcaaban yuusuf waa maangaab ma arko wax dhaafsiisan burco iyo hargeysa wuxu turkiga kucolaadinayaa somali buu wax taraa xanuun xun baa haya ilaahow usahal miskiinka cuqdadaysan

  4. mohamuud says:

    ha ujawaabina calooshaa taagane idinkuu idinla ficiltamayaa yacni dawlada turkiga ayaa dib udhisaysa ciidamadda soomaaliya si markale buud loogu garaaco waa intaa taarikhda turkiga maba yaqaan

  5. Mujaahid Darwiish#1 says:

    Turkigu haduu soomaali haysto cidkale uma baahna.




script>
War Deg Deg Ah Daawo:-Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Soo Saaray Hada,
- Dec 12, 2018
Muqdisho{Khaatumo News}Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu sheegay in in ...
Deg Deg:Alshabab Oo Fagaare Ku Toogatay Sadex Ruux iyo Sababta Ay U Dishay,
- Dec 12, 2018
Xarakada Al Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose ...
War Deg Deg Ah Daawo Video:Weerar Culus Ka dhacay Faransiiska
- Dec 12, 2018
Muqdisho{khaatumonews}Nin hubeesan oo gaari watay ayaa rasaas xoogan xalay ku furay suuq lagu iibiyo waxyaabaha ...
Deg Deg Daawo Video:-Live Gabadh Taageero u Ah Farmaajo Oo Shan Xabo lagu Dhuftay
- Dec 11, 2018
Shabakada Khaatumonews.com Ayaa Soo heshay Muqaalka Haweenay Shalay Duubtay   dad lasiiyay lacag oo loo ...
War Deg Deg Ah Dhagayso:Madaxweynihii Hore Soomaaliya Si yaab Leh Uga Hadlay Mooshinka Farmaajo
- Dec 11, 2018
Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynihii hore ee Jamuuriyadda  Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ...