dahabshiil

Deg Deg::Maamulka Somaliland Oo Amar Dul Dhigay Bajaaj-leyda laascaanood

Maamulka Somaliland Ayaa amar Kusoo Rogay gaadiidka Loo yaqaan Bajaajta ee U kala Baxa xaafada Gobolka sool gaar Ahaan Shanta Xafadood Ee Laascaanood Ka Kooban tahay

Qoraalkan Hoos Ku qoran waxaa Goordhaweyd Soo saaray Ninka Maamulka SNm Ugu magacaaban Duqa laascaanood Cabdicasiis xuseen taarwale.

DUQA DEG. LAASCANOOD AYAA SHAACIYAY GO’AAMO UU KU HORMARINAYO, KORNA UGU QAADAYO HABSAMI U SOCDA WADADA HALBAWLAHA AH EE MAGAALADA….kuna aadan gaadiidka BAJAAJLEYDA.
…….. ++++++++++ ———-

DUQA DEG. LAASCANOOD oo ku hawlan shaqo maalmeedkiisa horumarinta ee deegaankiisa ayaa wuxuu farayaa dhamaan
IS-KAASHATADA BAJAAJLEYDA ka shaqaysata magaalada LAASCANOOD in la soo saaray sharci cusub. Sharcigaas cusub ayaa waxaa lagu ilaalinayaa habsami u socodka LAAMIGA WEYN ee magaalada laascanood oo ah halbawlaha. kaasoo laga dheeganayo quruxda iyo bilicda iyo nidaamka dawli ee magaalada.

Hadaba DUQA DEGMADA ayaa faraya in BAJAAJTU ilaaliso habsami u socodka wadada halbawlaha. Markaa waxaa loo sameeyay ASTAAMO ay ka rakaabsadaan BAJAAJTU. kuwaaso bajaaj walbo dhinac u baxaysaa ay ka rakaabsanayso, dhigaysana shacabka ay u adeegayaan.

ASTAAMAHAAS OO KALA AH.
…….+++—+++—+++—++-
1. ASTAANTA XARUNTA TELESOM HORTEEDA..
Waxa ka rakaabsanaya bajajyada aadaya Laamiga bisha cas, ISKULKA MUSE YUSUFama Manhal, iyo Ex-control. iyagoo raacaya wadada labaad.

2. DABAQA RAMADAAN.
waxaa ka rakaabsanaya Bajaajta aadaya kana imanaya wadada aada Laascanod hospital iyo Xaafadda shacabka.

3.AAGGA CAKAARA. udhaw MASJID HUDA……
waxaa ka rakaabsanaya shacabka aadaya kana imanaya Tuulo toocil iyo daaraha maraykanka.

4.AAGGA WADHACDA..
Waxaa ka rakaabsanaya Bajaaj ta u baxaysa kana imanaysa wadada aadda FARXASKULLE aada.

FG..
sidoo kale waxaa loo samayn doonaa tare maalin le ah oo koox walba maalin ay shaqayn doonto. sida A iyo B mid maalintiisa uu shaqada gali doono. waayo bajaajtii ayaa aad u faro batay. dhibaatooyin badanna sababay.

MULKIILAYAASHA IYO QADAYAASHA bajajta waxa la farayaa inay u dhago nuglaadaan sharcigan wuxuu soo baxay 2da bishan ilaa ugu danbayn ilaa 7da bishan aan la arag BAJAAJ wadadii loogu talo galay aan soconayn kana rakaabsanayn..
cidii sharcigaa jabisa waxay mutaysanaysa ganaax adag.

Muwaadin u dhago nugloow nidaamkan oo dan u ah bulshada. Laguna yaraynayo buuqa iyo sawxanka iyo shilalka hadheeyay wadada halbawlaha ah..

Waxa jira waajib ina wada saaran kaaso ah ilaalinta iyo kor u qaadida shuruucda ummada u dhaxaysa..

xafiiska Duqa deg laascaanood
cabdicasiis xuseen taarwale.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. SOOL JOOGTO says:

    Weger
    Oo Laaska caanaha magaalo ayaan u haystaye ma Taleex baa ka wayn !!!!.
    Weger oo BASAS ba Kama dhex shaqeeyaan?!!.
    Reer Burco ayaa ku qoslay.




script>
War Deg Deg Ah Daawo:-Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya War Culus Soo Saaray Hada,
- Dec 12, 2018
Muqdisho{Khaatumo News}Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa lagu sheegay in in ...
Deg Deg:Alshabab Oo Fagaare Ku Toogatay Sadex Ruux iyo Sababta Ay U Dishay,
- Dec 12, 2018
Xarakada Al Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose ...
War Deg Deg Ah Daawo Video:Weerar Culus Ka dhacay Faransiiska
- Dec 12, 2018
Muqdisho{khaatumonews}Nin hubeesan oo gaari watay ayaa rasaas xoogan xalay ku furay suuq lagu iibiyo waxyaabaha ...
Deg Deg Daawo Video:-Live Gabadh Taageero u Ah Farmaajo Oo Shan Xabo lagu Dhuftay
- Dec 11, 2018
Shabakada Khaatumonews.com Ayaa Soo heshay Muqaalka Haweenay Shalay Duubtay   dad lasiiyay lacag oo loo ...
War Deg Deg Ah Dhagayso:Madaxweynihii Hore Soomaaliya Si yaab Leh Uga Hadlay Mooshinka Farmaajo
- Dec 11, 2018
Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynihii hore ee Jamuuriyadda  Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ...