Deg Deg::C/wali Gaas oo Qaadaya Tallaabo Aysan Musharixiin Badani Ku Farxi Doonin
Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa inuu waqtiyada soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqo gudiga xallinta khilaafkaadka barlamaanka cusube ee Puntland ay yeelanayso.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Khaatumonews.com in maalmihii ugu dambeeyey lagu mashquul sanaa soo xulista xubno ay ku kalsoonaan karaan dhammaan dhinacyada ay qusayso doorashada Puntland.
Gudiga xallinta khilaafka barlamaanka Puntland oo ka kooban 7 xubnood ayaa lafilayaa in madaxweynuhu ka dhigo 3 dumar ah iyo 4 rag ah, walow uusan ahayn mid dastuuri ah.
Madal ay ku midaysan yihiin 7 kamid ah musharixiinta Puntland ayaa shalay ugu baaqday madaxweynaha Puntland inuu latashi kala sameeyo xubnaha loo magacaabayo gudigaasi, waxaana ay sheegeen inaysan qaadan doonin xubno madaxweynaha qura soo magacaabo.
AKHRISO MAGACYADA MUSHARIXIINTA
Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye
Maxamed Cabduullaahi Xuseen Shortage
Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac Janagale
Aadan Maxamed Ciise Gaadaale
Iyo Khaliif Ciise Mudan
Waxaana ka maqnaa General Siciid Dheere iyo Cabdullaahi Deni
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.