600 Deg Deg:-Maxay Kawada Hadlen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta, madaxweynaha Kenya. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:-Maxay Kawada Hadlen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta, madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Uhurru Kenyatta, madaxweynaha dalka Kenya.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya sidii loo wanaajin lahaa iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al SHabaab oo shacabka labada dal dhibaato ku haya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka dhaqaalaha baddaha, waxaana uu kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Soomaaliya waxaa ay bilihii dambe qeyb ka ahayd isbaheysiga is dhexgalka geeska Afrika oo ay ilaa hadda ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea, waxaana uu qorshaha uu yahay in dalal kale lagu daro.

Kenya,Jabuuti, Sudan iyo Uganda ayaa la doonayaa inay qeyb ka noqdaan isbaheysiga geeska Africa, iyadoo kadib madaxda qorshahooda uu yahay inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dadka geeska Africa u ogolaanayo inay is dhex galaan.

Kenyatta ayaa bogaadiyay isbaheysiga cusub ee geeska Africa, isaga oo sheegay inuu wax badan ka badali doono is dhexgalka Bulsho ee geeska, dhaqaalaha iyo amanka gobolka geeska africa.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...