600 Deg Deg:: Maamulka Yuhuuda Oo Sacuudiga Ka Iibisay Qalab Casri ah Oo Wax Lagu Basaaso | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:: Maamulka Yuhuuda Oo Sacuudiga Ka Iibisay Qalab Casri ah Oo Wax Lagu Basaaso

Warbaahinta Israel ayaa qoraalo ay daabaceen maanta lagu xaqiijiyey in Shirkada laga leeyahay Israel ee NSO Group Technologies ay dowlada Sacuudiga ka iibisay qalabka casriga ah ee lagu basaaso telefonada gacanta.

Kulamo qarsoodi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta shirkadaasi iyo sirdoonka Sacuudiga ayaa la sheegay in sanadkii hore ka dhaceen dalka Austria iyo jasiirada Qubrus.

Sacuudiga ayaa la sheegay in shirkadaasi gorgortan kula jireen iibka barnaamijka wax lagu basaaso ee loo yaqaan Pegasus-3 oo ah mid halis ah oo si qarsoodi ah lagu ogaan karo dhamaan xogta ku jirta Telefonada gacanta ee shaqsiyaadka dabagalka lagu sameenayo, sida ay sheegtay jariirada Haaretz.

Isla qalabkan ayaa la rumeysan yahay in Sacuudiga u adeegsaday hawlgalkii sanadkii hore Maxamed Bin Salmaan [MBS] uu ku xir xiray in badan oo kamid ah qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku xiray hotel ku yaal magaalada Riyadh.

Suxufigii la dilay ee Jamal Khashogi ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan ay sameysay Israel ee Pegasus lagu weeraray telefoonkiisa gacanta, waxaana suxufigaasi lagu dilay 2dii Oktoober qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Maamulka Israel ayaa la sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay dadaal ugu jireen in laga difaaco Maxamed Bin Salmaan cadaadiska caalamka uga imaanaya kadib dilkii Khashoggi, waxaana la sheegay in Israel ay qeyb weyn ku lahayd ka dhaadhicinta Madaxweynaha Maraykanka Trump inuu taageero buuxda la garab istaago MBS.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021