600 War Deg Deg Ah:Weerar Laascaanood Ka Dhacay. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Weerar Laascaanood Ka Dhacay.

laascaanood{Khaatumonews}Dabley hubaysan ayaa gelinkii dambe ee xalay weerar culus ku qaaday saldhiga wadnaha ee koonfurta magaalada Laascaanood,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Shacabka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo sheegaya in ay xalay gelinkii dambe hurdada ka toosisay rasaas xooggan oo ku hoobanaysa saldhiga koonfureed ee magaalada.

Dableyda weerarka qaadday oo aan la aqoonsan ayaa sidoo kale bumbooyin ku tuuray saldhiga ka hor inta aysan rasaasta bilaabin,sida ay Khaatumonews u sheegeen dad ku sugnaa xaafadaha deriska la’ ah saldhigaasi.

Goobjoogaashu waxay sheegeen in weerarka oo bilowday abbaare 3:15am uu socday mudda saacad ah,islamarkaana rasaastu ay ka dhacaysay hal dhimac,balse waxay intaasi raaciyeen in aysan weli wax faahfaahin ah ka hayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Somaliland weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka,iyadoo ay haatan xilli hore oo aroornima tahay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...