600 Deg Deg Daawo Video:-Xasan Sheekh oo si kulul u weeraray hab dhaqanka dowlada Madaxweyne Farmaajo | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:-Xasan Sheekh oo si kulul u weeraray hab dhaqanka dowlada Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga soo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha.

Halkan Ka Daawo Video

Xasan Shiikh oo hadalkan ka jeediyey magaalada Kismaayo ayaa intaas ku daray in aysan dhici karin in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku midoobaan arrimaha Siyaasada xilli buu yiri Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan.

 

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay xiligan ka wada hadli karaan labada dal ay yihiin oo kaliya arrimaha iskaashiga amaanka iyo dhaqaalaha iyo ganacsiga.

 

“Xilligan siyaasad ay ka mideysan yihiin labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ma jiri karto maxaa yeelay weli sal adag ma lihin, waxaa hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin” ayuu yiri Xasan Shiikh.

 

Kobcinta dhaqaallaha ayuu sheegay Xasan Sheekh in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka been sheegtay, isla markaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday Sanadkii 2013-kii wixii xilligaasi ka dambeeyayna sanadba sanadka ka dambeeya uu sare u sii kacayey.

 

“Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee soo bilowday sanadkii 2013-kii” ayuu yiri Xasan Shiikh.

 

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Shiikh oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa bilaabay inuu dhaleeceeyo habka dhaqanka dowlada ay horkacayaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre, isagoo dhinaca xaqiraya waxqabadkooda mudada labada sano ku dhow ee ay xilka hayaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Somaliland oo lagu fashilay laascaanood
- Jan 16, 2021
kulan ay iskugu yimaadeen haweenka magaalada laascaanood ayaa looga hadlay tacadiyada ka jira laascaanood https://www.youtube.com/watch?v=r0dY84WK0_k https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit
Somaliland Oo Dhigtay Qorshaha Dilalkii Buuhoodle Ka Dhacay
- Jan 16, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn wali ka taagan Xiisaad Colaadeed oo ...
Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada BUUHOODLE,
- Jan 14, 2021
Waxaa Dagan xaalada Magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka cayn oo saacadii ugu danbeyay ...
Garaad Cabdirashiid Oo Kula Shiray Duleedka Garoowe Wasiirada Xildhibaanada iyo Taliyaasha Ciidanka Barkad ee Puntland Ku jira
- Jan 14, 2021
Garaad Cabdirashiid waraaba Dheere garaadka Beesha Guuleed Faraad {Barkad}ayaa kulan Kula qaatay Duleedka ...
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...