600 Deg Deg Daawo:Sida Kismaayo loogu Soodhaweeyay Ex Madaxweyne xasan Sheikh | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Sida Kismaayo loogu Soodhaweeyay Ex Madaxweyne xasan Sheikh

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan golaha Wasiirada iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Madaxweyne Xasan sheekh ee Kismaayo oo intuu xilka hayay ay qabsoomeen waxyaabo fara badan oo qayb ka ah hanaanka Federaalka dalka oo ay ugu horeeyaan dhismaha Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in wax walba ay leeyahiin isbadalo kuwaas oo mudan in la wajaho oo wixii la qabto aan dib loogu noqon ee horay loosii wado isagoo wakiil ka ah Bulshada ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in uu Madaxweynahii hore kusoo dhawaynayo Jubbaland.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda Jubbaland sida qadarinta leh ee ay usoo dhaweeyeen isagoo amaanay isku duubnida iyo wadajirka ree Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in hanaanka Federaalka dalka oo ay Jubbaland qayb ka tahay uu maalinba meel soo joogay isla markaana uu diyaar u yahay in la hormariyo oo la dardar galiyo maadama loo arkay in uu yahay wado dib loogu soo celin karo is aaminaada iyo dhismaha dowladnimada dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray in ree Jubbaland ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta deegaanadooda iyo guud ahaan dalka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...