600 Dawlada Itoobiya Oo Wax Ka Bedeshay Qorshihii Siyaasadeeda Arimaha Dibada | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Dawlada Itoobiya Oo Wax Ka Bedeshay Qorshihii Siyaasadeeda Arimaha Dibada

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u qaabayn ku samaynayso siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa isataraatajiyada ay ku hawlgalayso waxa la dejiyay sannadkii 2002, waxaanay hadda wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya sheegtay inay dib u habayn iyo qaabayn ku samaynayso qaabkii ay ku shaqaynaysay siyasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem, ayaa wakaaladda wararka ee Itoobiya toddobaadkan u sheegay in dib u eegis lagu samaynayo jidkaas ay ku socotay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya 16-ka sannadood, waxaanu sheegay in dib u qaabayntan siyaasadda khaarajiga Itoobiya lagu salayn doono xaaladaha caalamka ee maanta iyo xaaladda gudaha Itoobiya ee wakhtigan.

Siyaasadaas arrimaha dibadda ee Itoobiya ee la dejiyay sannadkii 2002, ayaa waxa ay ku qaabaysnayd oo ku shaqaynaysay ilaalinta ammaanka qaranka Itoobiya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...