600 War Deg Deg Ah::-Dagaal Culus Oo Qabsaday Maxamed Kaahin Xili Uu Ku Sii jeeday Dhumay ,+Khasaare Dhaawac Oo Ka dhashay. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::-Dagaal Culus Oo Qabsaday Maxamed Kaahin Xili Uu Ku Sii jeeday Dhumay ,+Khasaare Dhaawac Oo Ka dhashay.

Garoowe{Khaatumonews}Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in Goordhaweyd   weerar lagu qaaday wefdi uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

 

Wefdi ka oo koobnaa wasiiro iyo xubno ka tirsan golaha Guurtida Somaliland oo ka soo baxay degmada Laascaanood,kuna sii jeeday degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa weerar jid-gal ah loo dhigay,ka hor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

 

Wararka horu-dhaca ah ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 3 askari laga dhaawacay kolonyada wefdiga Somaliland oo ciidaamo hubaysan ay jidka u galeen wax yar uun kadib markii ay ka baxeen degmada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

 

Kolonyadii wefdiga ayaa dib ugu laabtay magaalada Laascaanood,waxaana suxufiyiinta looga digay in aysan ka hadlin wararka ku saabsan dhacdadaasi.

 

Mas’uuliyiinta kolonyada la socday oo awal ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa ujeedkoodu ahaa in ay ka qeyb –qaatan nabadeynta laba beelood oo ku dagaallamay degaanka Dhummay,balse waxay mudda 5 maalmood ah ku hakadeen degmada Laascaanood,kadib markii loo diiday in ay u gudbaan tuulooyinka nabadeynta laga waday.

 

Ergooyinkii nabadeynta ayaa diiday in cid ka socota Somaliland ay gogosha timaaddo,waxaana go’aanka salka ku hayaa mid kamid ah beelaha dagaallamay oo ka dacwootay maamulka Somaliland.

 

Dhinaca kale ergooyinkii nabadeynta oo ka kala socda Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa maalmo ka hor heshiis nabadeed oo hur-dhac ah dhex dhigay labada beelood,waxaana wejiga xiga ee dhamaystirka heshiiska gogoshiisa la dhigay magaaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida,halkaasoo ay saaka u baxeen ergooyinkii nabadeynta iyo ergooyinka labada beelood matalaya.

Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021