600 War Deg Deg Ah Daawo Video:Soomaali Daacish ka Tirsan Oo Weerar Ka Fuliyay Australia. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo Video:Soomaali Daacish ka Tirsan Oo Weerar Ka Fuliyay Australia.

Nin Asalkiisu Soomaali yahay oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Khalif ayaa weerar loo adeegsaday mindi waxa uu ka geestay bartamaha magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Halkan Ka Daawo Video

Mohamed Khalif oo xubin ka ahaa kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa mindi ku dhaawacay sadex ruux, waxaana Warbaahinta dalka Australia ku warantay in mid kamid ah dadka dhaawaca qaba uu xaalad halis ah ku jiro.

 

 

Ciidamada booliiska ayaa markii dambe toogasho ku dilay ninka Soomaaliga ee weerarka geestay , waxaana laamaha amaanka dowlada Australia sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkan.

Weerarka uu geestay ninkan Soomaaliga ah ayaa yimid kadib markii Gaari uu watay darbi ku dhuftay kadibna gaariga uu qabsaday dab xoogan, ninka Soomaaliga ayaana la sheegay in mindi ku weeraray dad u soo gurmaday iyo booliis.

 

Warka kasoo baxay kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa lagu sheegay in weerarka fuliyay xubin iyaga kamid ahaa, Daacish ayaana horey sidan oo kale u sheegatay weeraro ka dhacay Wadamada Reer Galbeedka.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...