600 War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:-Sadex Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo Sawiro:-Sadex Qarax Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Waxaa galabta sadex qarax oo aad u xoogan ka dhaceen agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyadan lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo Hotel kale oo ku dhagan.

Qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale Ilaalada hoteelada lagu weeraray qaraxyada ismiidaaminta ah.

Sawirro laga soo qaaday halka ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa muujinaya khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxyada, waxaana waxyeelo xoogan soo gaartay dad shacab ah la socday gaadiidka dadweynaha oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa afaafka hore ee Hotelka Saxafi ku yaalay boosteejo gaadiidka dadweynaha laga raro , waxaa sidoo kale laamiga hor mara Hotelka xiliga galbaha uu yahay mid mashquul badan oo gaadiid badan maraan.

Qaraxyada ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay xarumo ganacsi iyo gaadiid kala duwan, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadan galabta ruxay Muqdisho.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021