dahabshiil

Cadeymo sii adkeyn kara dambiyada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar oo la helay

Wararka ka imaanaya dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in la helay xabaal wadareed ay ku aasan yihiin dad tiro badan oo la rumeysan yahay in la aasay xiligii maamulka Cabdi Maxamuud Cumar.

Xabaal wadareedkaan ayaa waxaa ku aasnaa inka badan 200 oo ruux, kuwaasi oo la rumeysan yahay in la dilay xiligii dagaalka uu u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, waana arin sii cusleyn karta Kiiska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud, ayaa kasoo muuqanaya maanta maxkamad ka duwan middii lasoo taagay Afar jeer, iyadoo lagu eedeeynayo kicin Shacab iyo isku dhacyada Jinsiyadda ku salaysan ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, isagoo si toos ah u adeegsanaya Ciidanka Liyuu Boliiska.

Lama aqoonsan ilaa iyo hadda jinsiyaddaha meydadka laga helay deegaanada kala qeybiya Soomaalida iyo Oromada oo marar badan lagu dagaalamay, waxaana arintan ay kusoo aaday iyadoo la raadinayo cadeymaha kiisaska loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa is casilay Bishii August ee Sanadkan, waxaana xabsiga loo taxaabay Todobaadyo ka dib, markii rabshado lagu eedeeyay taageerayaashiisa ay ka dhaceen Magaalada Jig-jiga ee Caasimadda Gobolka Soomaalida.

Maanta ayaana la filayaa in marqaatiyaal la geeyo maxkamadda lasoo taagayo si loogu marqaati furo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 2)

  1. Ali says:

    War Oromadiina Xabaalo Qodidbay Bilaabeen.Tolow Majeegaantaa Tababartay? Captain Muusoow Nimankan Maxaad shaqadan ubartay

  2. FAQASH LIQE says:

    Hadduun baa cagdheer loo yaabaa oo Oromadii cawaanka ahayd ogaatey xasuuqii UBBO (LIYUU BULUUS) u geysteen .
    Cabdi Ilayna wuxuu noqday looma ooyaan.Afweynoo musqul Nigeria Lagos ku dhex bakhtiyay oo kale uun iga dheh.




script>
Deg Deg Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Weeraray Beesha Calamka iyo Mucaaridka Xili Nairobi Shir Adag ka Socdo
- Apr 21, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta mucaaradka & ...
Hogaanka Maamulada Oo Beesha caalamka u gudbiyay Dhaliilaha DF & Labo qodob oo ay ka doonayaan Caalamka,
- Apr 21, 2019
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inay wali socdaan kulamada ...
War Deg Deg Ah Daawo:Lix Qarax Oo Ka dhacay Kaniisad iyo Khasaare Baaxad leh Oo ka dhashay.
- Apr 21, 2019
Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 200 ...
Deg Deg::Raysal Wasaare Khayre Oo Beeniyay War laga Faafiyay,
- Apr 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo Wareysi siiyay Tv-ga Universal, ayaa la waydiiyay ...
Daawo:Fadeexad Hargaysa ka Soo Muuqatay
- Apr 21, 2019
magaalada Hargeysa ayaa maalmihii dambe waxa ka curtay roobabkii Gu’ga, iyadoo maalintii Jimcihii uu ...