dahabshiil

Deg Deg Dhagayo:-Raysal Wasaare Khayre Qarxiyay Sir Culus Sababta Ku Khasabtay Inay Qatar La Saftan.

Muqdisho{Khaatumonews}Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Xasan Cali ayaa ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka dowladaha Khaliijka.

Halkan Ka Dhagayso

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay gaartay go’aan la mid ah mowqifyo ay qaateen dowlado badan oo uu ka carrab dhabay dowladaha dariska, Ingariiska iyo Faransiiska.

 

“Waxaan ku soo beegannay iyadoo wadamada Khaliijka dhexdooda uu khilaaf ka jiro, waxaan isku daynay inaan gaarno go’aan dhexdhexaad ah oo ay gaareen dowladaha dariska ah oo ay kamid yihiin Itoobiya, Kenya, Uganda, Tanzania, Norwey, Ingariiska oo Faransiisku gaaray.” Ayuu sheegay RW Kheyre.

 

“Waan naga la diiday annaga ama waa la aamini waayay in la aqbalo sababtoo ah waxay iyaduna salka ku heysay dhaqan horey oo la soo dhaafay, iyaduna waxay salka ku heysay musuqmaasuq, iyaduna waxay salka ku heysay qaab dhaqameed ah in dunida ay aaminsan tahay in go’aan walba oo aad gaarto lagaa beddali karo, sababtoo ah si uun baa laguu musuqmaasuqi karayaa” ayuu yiri Raysal Wasaare Cali Xasan.

 

Xasan Cali ayaa intaas raaciyay in qorshahaasi uu ku saleysnaa in madaxda qaranka la kala qeybin karo.

 

Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda FS Xasan Cali ayaa imaanaya iyadoo wali khilaafkii Khaliijka uu sidiisa u taagan yahay, kaasoo saameyn ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

 

Saameynta, uu yeeshay khilaafkaasi waxaa kamid ah kala qeybsanaan soo kala dhex gashay dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ee gobollada kuwaasoo illaa maanta khilaaf soo jiitamaya uu ka dhaxeeyo walina aan loo helin xal.

Khaatumonews.com

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Digniin Loo Diray Shacabka Muqdisho.
- Mar 24, 2019
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ...
Deg Deg:Axmed Madoobe Magacaabay Guddiga Doorashada Jubaland iyo Tiradda Xubbnaha +Magacyadooda.
- Mar 24, 2019
Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha ...
Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah
- Mar 24, 2019
Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan ...
Deg Deg Daawo:Somaliland Sir Culus Oo La Qarxiyay.
- Mar 23, 2019
Warbaahinta Hargaysa ayaa dabagal xoogan ku samaysay shaqaalaha iyo xubanaha Ka soo jeeda Deegaanka ...
DAAWO::Odayaasha Gobalka Awdal Oo Hanjabaad Udiray Muuse Biixi Kuna Baaqay Dagaal.
- Mar 23, 2019
Odayaasha waxgarad deegaanka Borama ayaa Digniin Culus u Diray Hogaamiyaha maamulka SNM Muuse ...