dahabshiil

Deg Deg Daawo:Shariif Xasan Oo Ka Dhoofay Baydhabo iyo Halkuu Ku Wajahan yahaay,

Golaha Wasiirada dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

Waxaa guddoominayay shirkan Sii-hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa, waxaana ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee KG Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa inta badan looga Hadlay sagootinta Madaxweyihii hore Koonfur Galbeed iyo isku dubaridka xaalada doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Shariif Xasan oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa ka dalbaday wasiirada iney iscafiyaan, isagoo kula dardaarmay iney howlaha maamulka si hufnaan leh u gutaan.

Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa sheegay in la dedejinayo doorashada Madaxweynaha cusub.

“Wax gorgortan kama gali doono wax walba oo shacabka iyo degaanada KG dhib u keenaya ee shacabka ha isdejiyaan” ayuu yiri Sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha baarlamanka KG.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kulankaas ka dib waxaa uu dayuurad gaar ah ka raacay magaalada Baydhabo, iyadoo warar aan la xaqiijina ay ay sheegayaan inuu u dhoofay magaalada Nairobi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Digniin Loo Diray Shacabka Muqdisho.
- Mar 24, 2019
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ...
Deg Deg:Axmed Madoobe Magacaabay Guddiga Doorashada Jubaland iyo Tiradda Xubbnaha +Magacyadooda.
- Mar 24, 2019
Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha ...
Deg Deg: Ciidamada dowladda oo sii daayay SARKAAL sare oo Al-Shabaab ah
- Mar 24, 2019
Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan ...
Deg Deg Daawo:Somaliland Sir Culus Oo La Qarxiyay.
- Mar 23, 2019
Warbaahinta Hargaysa ayaa dabagal xoogan ku samaysay shaqaalaha iyo xubanaha Ka soo jeeda Deegaanka ...
DAAWO::Odayaasha Gobalka Awdal Oo Hanjabaad Udiray Muuse Biixi Kuna Baaqay Dagaal.
- Mar 23, 2019
Odayaasha waxgarad deegaanka Borama ayaa Digniin Culus u Diray Hogaamiyaha maamulka SNM Muuse ...