dahabshiil

Deg Deg:–Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Weeraray Farmaajo iyo Khayre,

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo siweyn u mucaaradsan dowladda talada haysa ayaa bixiyay waxa ay ka dhigan tahay iscasilaadii shalay uu ku dhawaaqay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

 

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Shariif Xasan uu noqonayo siyaasiyigii Afaraad oo awood, dhaqaale iyo waqti lagu bixiyo si xilka uu kaga tago, maadaama uu si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

”Shariif Xasan Sh Aadan waa siyaasiyigii afaraad oo iyadoo lagu takri falayo awooda, hantida iyo waqtiga qaranku leeyahay xilka laga tuuro. Cali Cosoble, Taabit Abdi, iyo Jawaari ayaa ka horeeyey. Caqliga oranaya hadii aad iga aragti duwan tahay xilkaan kaa tuurayaa, ama waan ku weerarayaa, amaba aflagaadaan kuu miisayaa ee dhaqanka u noqday kooxda talada haysa, ma aha oo keli ah in umadda uu ka khasaarinayo xoog, hanti iyo waqti ee wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii iyo is-aaminkii shacabka ee sanidihii tegey geedi socodka gaabiska ah lagu soo dhisay.

Waxaa shaki lahayn in kooxdani xili ay tabar beeleen ay ka qoomamayn doonaan fal kasta oo maanta guul ugu muuqda markii ay maciin bidaan ragii ay is lahaayeen siyaaasada ayaad ka bixiseen ama waayahoodii u shalaayaan. Waxaa kaloo iyana hubaal ah in xadigga saamaynta khasaaraha iyo dhaawaca ay geysanayaan uu la ekaan doonto hadba inta uu fal celiskeenu yahay. Haddaba waa waajib Diini, Wadani, akhlaaqi ah oo dhamaanteen ina saaran in aan wiilashan xuurtaysan gacmaha qabano.

Dhamaad

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Qaybdiid says:

    Somaliya, markay beeca ahayd, bay suuq lahaayeen ma xishoodayaasha uu ka midka yahay ina c/shakuur, oo ku faana waxaan ka tirsanahay mukhabaraatka wadamada reer galbeedka. kan oo kale in daamur loo karkariyo isaga xalweyste iyo sakiin…, oo dadka hortooda lagu gubo.” Sama diidaw dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono; danaystow duugaagu waa deldelaad aan dacwad lahayn”.

    Ma garanayo dawlad ku sheega xamar waxa ay ugu subaa salaaxayso, maamul goboleedada iyo tuugta burburinta dalka ku soo lacag qaata, iyagoo la shaqaynaya cadawga dalka Somaliyeed. WBT




script>
Deg Deg:Somaliland Oo Magaca Iska Badelaysa
- Jul 23, 2019
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey ...
Caasha Geelle Gaalkacayo Laga Qabto””Hadaa Tahay Hooyo Sharaf Leh Ma Ragaad La Hirdami laheed Ma Hinaasad Badin Laheed “”
- Jul 22, 2019
Waxaan Daawaday Muqaalkan Haweenayda lagu Magacaabo caasha Geelle Diiriye oo kamid ah Haweenka Gaalkacayo ...
Deg Deg Daawo::-Ciidamada Buuhoodle Oo Fariin Udiray Maamulka Somaliland,
- Jul 22, 2019
Maamulka Somaliland ayaa wada olole la doonaayo in lagu maja xaabiyo Gobolka cayn iyo ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Ciidan Xoogan Buuhoodle Ku soo Bandhigtay,
- Jul 22, 2019
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Maanta kusoo Bandhigay Ciidamo ...
DAAWO:Dawlada Somaliya Dab Ku Qabanasa Boosaaso iyo Cali Saleebaan,
- Jul 22, 2019
Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo ...