dahabshiil

War Deg Deg Ah:Shariif Xasan Oo Iska Casilay Xilka Madaxweyne Ee Koonfur Galbeed Kana Tanaasulay Musharaxnimada.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goordhaw Warbaahinta iyo masuuliyiin kula hadlay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo xil heynteeda maalmo uga harsaneyd, waxa uuna si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa damacsanaa in uu waqti dheeraad ah ku darsado xilkiisa uuna abuuro xiisado siyaasadeed, hasa ahaatee damaca Shariif Xasan ayaa fashilmay kadib markii cadaadis saartay Beesha Caalamka

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Beesha Caalamka uga digtay Shariif Xasan in uu sameeyo waqti kororsi, waxa ayna Beesha Caalamka kula taliyeen Shariifka in uu doorashada tartamo ama isaga haro tartanka.

Shariif Xasan ayaa tanaasulka uu sameeyay loo sababeeyay in ay ka dhalatay cadaadiska beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo taageero balaaran siineysa qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Fardojaan says:

    Dhakh Ma lagaga Siiyay
    Cawaro Gaas Iyo Axmed Dhuxulaysato

  2. Wiil waamo says:

    Fardojaano sida makhnuudiinta maxaad ugu hadleysaa?
    Meesha waa siyaasad rag ayaana isku haya nmarka nijaasada kala dhex bax umadda.

  3. Fardojaan says:

    Will waamo
    Axmed Dhuxulaysato baa Ku xiga




script>
Deg Deg Daawo Video:New Zealand War Culus shaacisay,
- Mar 21, 2019
New Zealand ayaa mamnuucaysa dhammaan qoryaha darandooriga u dhaca ee loo adeegsaday weerarkii lagu ...
Sir Culus:Qorshaha Ciidanka kenya Gobolka Gedo uga Baxayan,
- Mar 21, 2019
Khubarada Kenya ayaa rumeysan in ka bixitaanka ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ...
Deg Deg:Shir ka Furmaya Degmada Widhwidh,
- Mar 21, 2019
Degmada widhwidh Ee Gobolka Cayn waxaa ka furmaaya Shir nabadeed lagu heshisinaayo belaha Hagar ...
Deg Deg Daawo sawiro::-Dawladda Soomaaliya Soo Bandhigtay Ciidamo Badda Loo Carbiyay
- Mar 21, 2019
Ciidamo loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda ayaa markii ugu horeysay loo ...
Daawo Video:Kala Maan Oo Xiiso leh iyoMeelo Badan oo Cagta Ay Mariyeen.
- Mar 20, 2019