dahabshiil

War Deg Deg Ah:Shariif Xasan Oo Hada Warbaahinta Isugu Yeedhay Iyo Iscasilad uu ku Dhawaqaayo,

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya in galabta uu Shariifka ka tanaasulayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan oo saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan kawaday magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in uu go’aansaday in uu ka tanaasulo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Shariifka ku guul dareestay in uu kasbado Xildhibaanada Koonfur Galbeed, waxa uu sidoo kale Shariifka ku guul dareestay qorshe uu doonayay oo ahaa in uu is casilo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed si dib u dhac dheer ugu yimaado doorashada.

Ilaha ku dhaw dhaw Shariif Xasan ayaa sheegay in cadaadis badan uu kala kulmay Dowlada Federaalka iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ku abuurtay niyad jab keentay in uu isaga haro tartanka loogu jira Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa laga dhur sugayaa shirka jaraa’id ee saacadaha soo aadan Shariif Xasan ku qabanayo magaalada Baydhabo, waxaana suurto gal ah in uu isbadal ku yimaado qorshaha tanaasulka Shariif Xasan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Fardojaan says:

    Agoontii Tigreygu Ka Dhintay Kuligood Waa Tabcaan 😀😀😀
    Mid mid Baa Loo Cunayaa hhhh
    Amusnaan Baa Lagu Meherinayaa
    Shariif Sakiin Waa Tagay Ee WHO IS NEXT

  2. MrSomali says:

    Shariif sakiin xaaran ku naac waa ninka Umada Somaliyed halkaa dhigay niyadana ka dilay , xataa koonfur galbeed la hadhay .. Waa in Shariif sakin maxkamad la soo taagaa .. waayo waa Tuug ka dhargay burburkii .. cadow shisheeyana u shaqaaya .. kalabkaa ilaah ha ina dhaafiyo walee




script>
Deg Deg Daawo:Daahir Calasow Oo Si Diiran Cadaado loogu Soo Dhaweeyay iyo Ciidan Xoogan Oo Galbinaya
- Jun 25, 2019
Wariye Daahir Calasow ayaa soo gaadhay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka ...
Deg Deg:Wadahadalkii Maamulka Somaliland iyo Dawlada Somalia Oo Fashilmay Kadib Markii Dawlada Somalia Diiday.
- Jun 25, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland ...
Daawo:Ubax Fahmo Oo Soo Qaaday Hees Cajiib Ah Samir iyo Muqaal Qurux Badan,
- Jun 25, 2019

Wararkii Ugu Danbeeyay Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay
- Jun 25, 2019
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray ...
Deg Deg:Deni Oo Kulan Isugu yeedhay Saraakiil Kala Ah Moorgan Cabdisamad Cali Shire Axmed Cabdi Xaabsade iyo Xubno kale.
- Jun 24, 2019
Garoowe{ Khaatumonews }Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ...