dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro:-Shir goordhaw u furmay Wasiirada Amniga Maamul goboleedyada

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland waxaa goordhaw ka furmay Shirka Wadatashiga Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha ciidamada Nabad sugida maamul goboleedyada dalka.

 

Shirkan waxaa furay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana shirkan ka qeyb galaya Wasiirada Amniga iyo Taliyaasha Nabad sugida Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed ,Galmudug iyo Puntland.

 

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in Wasiirada wadatashi iyo qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada amaan ee maamulada kadibna ay go’aan ka gaari doonaan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah.

 

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dowlada Federaalka Soomaaliya ku fashilantay amniga iyo dhismaha ciidanka Qaranka, waxa uuna sheegay in Dowlada waqti ku bixisay bur burinta iyo carqaladeynta maamulada.

 

Shirkan maanta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee yeeshaan Wasiirada Amniga maamul goboleedyada, waxaana shirkan uu imaanayaa xili maamul goboleedyada afrata ah ku heshiiyeen in ay sameestaan ciidamo isku dhaf ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo:Qarax Gaadhi Oo Ka dhacay muqdisho?
- Jan 23, 2019
Qarax ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Taleex ee Wadada Maka Al ...
DAAWO VIDEO:Fursad Mise Damaashaad Weeye Caleemo Saarka Madaxda Puntland
- Jan 23, 2019
Shabakada Khaatumonews.com waxaa ay halkan idiin Kusoo gudbinaysa Muqaal xaasaasi Ah oo laga ...
Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi Oo Madaxa Is kula jira?
- Jan 23, 2019
Xogta Khaatumonews.com Helayso ayaa Sheegaysa in khilaaf Culus ka dhex taagan yahay Wasirka ...
Ethiopia Oo Xabsiga Dhigtay Wasiir
- Jan 23, 2019
Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii ...
Deg Deg:Madaxweyne Cagjar culus Xoogan Dareemaya?
- Jan 23, 2019
Jigjiga{khaatumonews}Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi laga ...