600 Deg Deg:C/wali Gaas Oo Ka Baxay Garoowe iyo Halkuu Ku Wajahan yahay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:C/wali Gaas Oo Ka Baxay Garoowe iyo Halkuu Ku Wajahan yahay,

Garoowe{Khaatumonews}Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha  Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku wajahan yahay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Gudaha magaalada Galkacyo ayaa waxaa laga dareemaaya diyaar garawga loogu jiro soo dhoweynta waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha  Puntland, waxaana lagu wadaa inay ka qaybagalaan mamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada magaalada.

 

Mudada uu kujiro safarkiisa magaalada Galkacyo ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Puntland uu kulamo iyo xog waran la sii yeesho bulshada kunool deegaamada laamiga ku teedsan ee u dhexeeya Garoowe iyo Galkacyo.

 

Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haya u kuur-gelida Ammaanka iyo Nolasha dadka ku nool Gaalkacyo, kuwaas oo Muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn xukumada Gaas  ugu dhaliilayay inay ku Guuldareysatay Xakameynta Falalka amniga lidiga ku ah oo si isdabajoog ah uga dhacayay Gaalkacyo iyo Maamul xumo.

 

Gaas ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo, Xariga ka jari doono Mashaariic ay Dowladdu Hir-gelisay oo ay kamid tahay Madaxtooyadda Cusub ee Dowladda Puntland ay dhistay.

 

Dhanka kalena, madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu isbedel ku sameeyo maamulka degmada Galkacyo oo muddooyinkii ugu dambeeyey dadka shacabka ah ay ku eedaynayeen inuu gabay shaqadiisa isla markaana uu ku fashilmay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021

DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021