600 Deg Deg Daawo sawiro:Caaqil Lagu Caleemo Saaray Duleedka Buuhoodle | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo sawiro:Caaqil Lagu Caleemo Saaray Duleedka Buuhoodle

Munaasibad siweyn loosoo agaasimey oo lagu caleemasaarayey Caaqil Maxamuud Maxamed Cabdi oo kusoo biiray madax dhaqameedka gobolka Cayn ayaa lagu qabtay deegaanka Sool-joogto oo 25 KM dhanka waqooyi ka xiga magaalada Buuhoodle.

Wufuud tiro badan oo ka kala yimi Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka qaybgalay munaasibad dhaqameedkan sida weyn loosoo abaabuley ee ka dhacday Sool-joogto.

Kasoo qaybgalayaashii munaasibada oo isugu jirey Madax dhaqameed, sida Nabadoono, Cuqaal, iyo odayaal ayna weheliyeen qaybaha bulshada sida Culimada, dhalinyaro, aqoon yahano haween iyo ururada bulshada ayaa hadalo ay ka jeediyeen xaflada lagu caleemasaaray Caaqil Maxamuud Maxamed Cabdi waxay hambalyo iyo duco u direen Caaqilkan cusub ee kusoo biiray madaxda dhaqanka ee gobolka Cayn.

Odayaasha beesha Caleemasaaratay Caaqilkan oo kamid ah beelaha Khaalid Habarwaa ayaa marti sharaftii kasoo qaybgashay madashan ka codsaday in loo duceeyo Caaqilka iyo guud ahaan beesha soo dooratay iyagoo sheegay in beesha Caaqilkan dooratay ay ku dhaqmi doonaan Shareecadda Islaamka.

“Beeshu waxay go’aansatay inay shareecada ku dhaqmaan, magta waxaa la siin doonaa cida dhaxalka u leh ma jiri doonto mag dheer la qaybsan doono oo qof aan dhaxal ku lahayn qabiil lagu siin doono”, ayuu yiri mid kamid ah odayaasha u hadlay beesha.

Ugu danbayn waxaa munaasibada soo xiray Caaqilka la caleemasaaray Caaqil Maxamuud Maxamed Cabdi isagoo u duceeyey dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana kasoo qaybgalayaashii munaasibadda.

Wuxuu Caaqilku baaq nabadeed diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Dhumay isagoo alle ka baryey in Ergooyinka nabadaynta ku hawlan ay ku guulaystaan xalinta colaadaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021