600 SIRTA;–Wadahadalkii Madaxweynayaasha Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta +Shirqool Ka Dhan Ah Axmed Madoobe. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

SIRTA;–Wadahadalkii Madaxweynayaasha Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta +Shirqool Ka Dhan Ah Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

 

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

 

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Xog hoose Ay helayso Khaatumonews,com ayaa Sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo Qodobka ugu weyn ee wadahadalka Uu la Yeeshay Uhuru Kenyatta ayaa haa in Madaxweynaha Kenya  Ciidamada Ka jooga Kismaayo ay Kala Baxan faraha arrimaha la xidhiidha Siyaasada maamulada iyo dawlada fadaraalka gaar ahaan Siyaasada jubaland iyo Fadaraalka.

 

Farmaajo ayaa  Uhuru Kenyatta ka cod saday in aanay Ciidamada kenya Ku gacan Siin axmed Madoobe Cabudhinta Shacabka iyo siyaasiyiinta iyo ciidanka  taageersan Dawlada Fadaraalka.kaliyana ay Ka Qeyb Qaatan Wixii Weerar ah ee alshabab kaga yimaada.

 

Si kastaba Ha ahaaye Madaxweyne Farmaajo ayaa U arka In Axmed Madoobe taageerada ugu weyn ee Ciidan Uu Ka helo Dhanka kenya Islamarkaana ay adag tahay in dawladu ku samayso faro galin lamid ah tan Koonfur Galbeed iyo Gamudug.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...