600 War Deg Deg Ah:Kalfadhigii Barlamaanka Puntland Oo Dib U Dhacay, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Kalfadhigii Barlamaanka Puntland Oo Dib U Dhacay,

Kal-fadhiga 42 aad ee Baarlamanka Puntland oo hore loo qorsheeyay in uu Khamiista maanta ah furmo ayaa baaqday,sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Baarlamanka.

 

Kal-fadhiga ayaa u baaqday kooram la’aan,sida ay sheegeen xubnaha ku sugan Garoowe,iyadoo xildhibaannada badankoodu ay ku maqan yihiin degaannada laga soo doorto,si ay mar kale u helaan xubinnimada Baarlamanka.

 

Ajandaha ugu weyn ee kal-fadhiga ayaa ah ansixinta miisaaniyadda saddexda bilood u horraysa sannadka cusub(2019),xilligaasi oo loo yaqaan”kala guurka” maadaama ay is-beddelayaan laba xukuumadood.

 

Dhinaca kale waxaa fashil ku dhammaaday qorshay ay qaar kamid ah xildhibaannadu ku doonayeen in la furo Dastuurka,si loo kordhiyo xubnaha Golaha wakiilada ee haatan ah 66 mudane.

 

Qorshaha ayaa fashilmay kadib markii guddoonka Baarlamanku diiday mooshin ay xubnahaasi u gudbiyeen oo ahaa in la furo kal-fadhi aan caadi ahayn oo wax looga beddelayo Dastuurka,sida ay Puntland Post u sheegeen ilo’ xog-ogaal ah.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...