600 Maraykanka oo ka baxaya heshiiskii gantaalada riddada dhexe ee ay Ruushka la galeen. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Maraykanka oo ka baxaya heshiiskii gantaalada riddada dhexe ee ay Ruushka la galeen.

Maraykanka ayaa isaga baxaya heshiiskii gantaalada balaastikada ee ridada dhexe ee xanbaara Nukliyeerka (Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty) ee ay kula jireen dalka Ruushka.

Wakaalaa Wararka ee AP ayaa sheegtey in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu yiri Ruushku waxa uu ku xadgudbey heshiiskii ay galeen, waxaana ay hormarin iyo isbeddel ku sameeyeen hubkoodi.

“Waxaan dooneynaa inaan joojino heshiiska, ka dibna waxaan samayn doonnaa horumarinta hubkayaga haddii aan Russia iyo Shiinuhu aysan oggolaan heshiis cusub” ayuu yiri Trump oo ka qaybgalay isu so baxa olole doorasho oo ka dhacay gobolka Nevada.

Go’aanka Donald Trump ayaa imaanaya iyada oo telefishanka CNN uu todobaadkan soo bandhigey isbeddel weyn oo Nukliyeerka Ruushka lagu sameeyey gobolka Kaliningrad ee aan xuduudka la lahayn Ruushka intiisa kale, una dhexeysa Lithuania iyo Poland.

Heshiiska INF waxaa kala saxixdey Madaxweynayaashii Maraykanka Ronald Reagan iyo Madaxweynihii Midowga Soofiyeetiga Mikhail Gorbachev sanadkii 1987, Gantaalada Balaastikada ah in aan dib loo sameyn lana hor marin ee lagu heshiiyey ayaa ridadoodu gaareysaa 500 – 5000km

Ka bixitaanka Maraykana ee heshiiska gantaalada riddada dhexe ayaa keeni kara tartan cusub o dhanka hubka ah kaas oo caalamka khatar gelin kara.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...