600 Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano Rasaas Lagu Diray, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano Rasaas Lagu Diray,

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kala kulmeen Handadaad iyo Cagajugleyn ka dib waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo maanta la xiray.

Halkan Ka Daawo Video

C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka.

 

Waxa ay sheegeen in loo geystay Handadaad loona diiday in ay maraan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Ciidanka amaanka ee maanta hakiyeen inta badan Xildhibaannada,isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada.

 

Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.

 

Kulanka waxaa maanta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...