dahabshiil

War Deg Deg Ah::Duufaan xoogan oo kusoo wajahan dalal ay ku jirto Soomaaliya

Xarunta digniinada ka bixisa duufaannada ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in duufaan laga cabsi qabo in ay waxyeelo geesato in ay kusoo wajahan tahay dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la sheegay in la filayo in maalinta Jimcaha ku dhufato dalka Cumaan ayna sabtida uga sii gudubto dalka Yaman , waxaana duufaantan la sheegay Yaman kadib in ay usii gudbi doonto Soomaaliya.

Xarunta digniinada kasoo saarta Duufaanta ayaa sheegtay in duufaanta Luban ay wadato roobab xoogan , waxaana xaruntan heerka duufaanta kusoo wajahan dalalka Cuman , Yaman iyo Soomaaliya ku sheegtay heerka 1-aad.

Qoraal kasoo baxay xaruntan ayaa la sheegay in duufaanta xoogeeda uu yaraan doono marka ay soo gaarto dalalka Cuman iyo Yaman, waxa ayna xaruntu sheegtay in roobka xoogan ee duufaanta la socoto ay dhalin karaan khasaaro.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg Daawo Sawiro:Diyaar Garow Xoogan Oo Ka Socda Garoowe …
- Oct 20, 2018
Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad loo adkeeyay iyadoo la filayo in Saacadaha soo ...
Deg Deg:::Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday Mushahaarka Uqaado Bishii,
- Oct 20, 2018
Ra’isiul wasaaraha Daka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa shaaca ka qaaday inuu 7 maalin joogo ...
Daawo Video:Fashilka Muuse Biixi Dhex Xamaranaayo iyo Warbixin lagu Karbaashay,
- Oct 20, 2018
Mudo Haatan Ku Dhow sanad waxaa haya xilka Madaxweyne nimo ee maamulka SNm muuse ...
War Deg Deg Ah:Qarax Ka Dhacay Muqdisho,
- Oct 20, 2018
Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay guri ku yaalla xaafada Buulo-mugdi oo ka tirsan ...
War Deg Deg Ah Daawo Video::Sacuudiga oo ugu Qirtay dilkii Jamal Kashoqgi
- Oct 20, 2018
Dowlada Sacuudiga oo ugu dambeyn qiratay dilkii Jamal Kashoqgi iyadoo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin ...