dahabshiil

Deg Deg::Ashabab Oo Musharaxnimada Roobow Ka Hadashay,

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tallaabada uu afhayeenkoodii hore Mukhtaar Roobow isugu soo sharraxay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

 

Warbaahinta Rasmiga ah ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa bilowday inay warbixinno ka sameyso dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo ololaha ee Roobow uu ka wado magaalada Baydhabo.

 

Idaacadda Andalus ayaa xalay baahisay warbixin ku saabsan dadaallada uu Mukhtaar Roobow ku doonayo inuu kula loolamo Shariif Xasan iyadoo Warbixinta ay Al-Shabaab u adeegsatay Erayga “Murtad Mukhtaar Roobow” oo la macno ah inuu diinta ka baxay, iyadoo ereygan uu yahay mid al-shabaab ay caado ka dhigatay iney aalaaba ugu yeerto dadka ka soo horjeeda.

 

Mukhtaar Roobow ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray murtadiin, aadna loolama yaabin in isla ereygaas ay ugu yeerto kooxdii uu ka tirsanaan jiray maadaama uu ka soo horjeestay.

 

“Waxaa muuqata in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda isagana hadda laga aaminay kadib markii uu utafa xaytay hoggaaminta maamul dabadhilifka uuna galay xeryaha ciidamada Shisheeye” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Al-shabaab.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Deg Deg:Somaliland Oo Magaca Iska Badelaysa
- Jul 23, 2019
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey ...
Caasha Geelle Gaalkacayo Laga Qabto””Hadaa Tahay Hooyo Sharaf Leh Ma Ragaad La Hirdami laheed Ma Hinaasad Badin Laheed “”
- Jul 22, 2019
Waxaan Daawaday Muqaalkan Haweenayda lagu Magacaabo caasha Geelle Diiriye oo kamid ah Haweenka Gaalkacayo ...
Deg Deg Daawo::-Ciidamada Buuhoodle Oo Fariin Udiray Maamulka Somaliland,
- Jul 22, 2019
Maamulka Somaliland ayaa wada olole la doonaayo in lagu maja xaabiyo Gobolka cayn iyo ...
Deg Deg Daawo:Puntland Oo Ciidan Xoogan Buuhoodle Ku soo Bandhigtay,
- Jul 22, 2019
Maamulka Puntland ayaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Maanta kusoo Bandhigay Ciidamo ...
DAAWO:Dawlada Somaliya Dab Ku Qabanasa Boosaaso iyo Cali Saleebaan,
- Jul 22, 2019
Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo lacag ay Dawlada Dhexe u soo ...