dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro::lamaane ka ganacsan jiray xubnaha jirka dadka La Qabtay

Baaritaan ayaa lagu hayaa lamaane u dhashay dalka Mexico oo la xiray iyagoo wata xubno ka tirsan jirka bani’aadamka, iyadoo lala xiriiriyay dilka labaatan ruux oo la waayey sida booliska dalkaas ay sheegeen.

Booliska ayaa intaas ku daray iney xubno bani’aadam ku arkeen qaboojiyeyaal yiilay gurigii ay lamaanahaasi deganaayeen iyo dhismo kale oo aan ka fogayn.

Lamaanahan ayaa iibinayey xubnaha jirka dadka iyadoo ninka uu qirtay dilka labaatan haween ah oo ka mid ahaa dad lagu waayey dalkaas, balse cidda ay ka gadayeen ayey boolisku baaritaan ku hayaan.

Caro weyn ayaa ka dhalatay markii arrintan ay soo shaac baxday, waxaana mudaaharaadyo laga dhigay waddooyinka Ecatepec oo ah degaan ay ku nool yihiin dad danyar.

Dadka dariska ah ayaa sheegay in lamaanahan ay mar walba wadan jireen gaariga carruurta lagu riixdo, kaasoo markii dambe ay booliisku ka heleen xubnaha jirka bani aadamka oo lagu qaadi jiray.

Booliiska ayaa joojiyey oo baaray gaariga ka dib markii bishii Sebtembar la waayay Nancy Huitron oo 28 jir ah iyo ilmo yar oo ay dhashay oo labo bilood jiray.

Juan Carlos ayaa qirtay inuu dilay Huitron waxaa kale oo uu magacabay Arlet Olguín oo 23 jir ah iyo Evelyn Rojas oo 29 jir ahayd, kuwaas oo uu sheegay inuu khaarajiyay.

Sidoo kale waxaa uu qirtay inuu dumarka tacaddi galmo u gaysan jiray inta uusan dilin, intaas ka dibna uu dili jiray uuna qaybo ka mid ah xubnaha jirkooda iibsan jiray.

Huitron ayaa la waayay lixdii Sebtembar iyadoo uu weheliyo ilmaheedu ka dib markii ay iskuul gaysay labadeeda gabdhood ee waawayn.

Hase ahaatee Markii gabdhihii la waayay wax iskuulka ka celiya, ayay dariskii qaylo dhaan direen.

Booliiska ayaa sheegay in Juan Carlos uu askarta ka codsaday in loo la biso oo suut loo xiro ka hor inta aan saxaafadda la horgaynin “Sababtoo ah dambiile Wasakh ah ma ihi” ayuu yiri Juan Carlos oo hadalkiisa aad loola yaabay.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
War Deg Deg Ah:Wasiir Iska Casilay Xukumada Farmaajo Xiisada Baydhabo Aawadeed,
- Dec 16, 2018
Muqdisho{Khaatumonews}Wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya C.fataax Ibrahim Geesey, ayaa maanta ...
Deg Deg Daawo Video:Odayaal Muqdisho ka Hadlay”Xoog Ayaa La isku Sheeganaya.
- Dec 16, 2018
Qaar Kamdi ah Odayaasha Magaalada Muqdisho ayaa Maanta La hadlay Warbaahinta iyaganooa si cadho ...
DAAWO VIDEO:Reer Burco Oo Ku Dhagan Magac Uu La Baxay Badhasaabka Burco,
- Dec 16, 2018
Shacabka Magaalada Burco ayaa Ka hor yimid Magac Uu Isku Bixiyay Badhasaabka Magaalada Burco ...
Deg Deg Daawo Video:-Haweenka Daarood Oo War Culus Muqdisho kaga Dhawaaqay,
- Dec 16, 2018
Haweyn Weynaha Beesha Daarood Oo Ay Garab Socdaan haweenka soomaaliyeed ee Caasimada Muqdisho ayaa ...
Deg Deg::-Dawlada Oo Rooboow Ka Saxiixatay Hal Qodob Oo Saameyn Leh
- Dec 16, 2018
Muqdisho{Khaatumonews}Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ugu dambeyn guul ka gaartay inay af qabasho ku sameyso ...