600 Deg Deg Daawo Video:Dawladda Sacuudiga Oo Si adag ugu jawaabtay Madaxweynaha Maraykanka. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Dawladda Sacuudiga Oo Si adag ugu jawaabtay Madaxweynaha Maraykanka.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa amaanay xxidhiidhka boqortooyada kala dhaxeeya maamulka iminka ee Mareykanka, maalmo kadib markii madaxweyne Trump uu bah-dilay boqor Salmaan, oo uu sheegay in la’aanta Mareykanka aanu xukunka joogeen laba toddobaad.

Halkan Ka Daawo Video

“Waan jeclahay inaan la shaqeeyo Trump” ayuu Bin Salmaan u sheegay warbaahinta Bloomberg, isaga oo intaas ku daray in labada hogaamiye ay wax badan uga guuleysteen Bariga Dhexe, gaar ahaan xagjiriinta, argagixisada iyo kooxda Daacish.

 

Waxa uu sheegay in ay caadi tahay in xulufada mararka qaar ay is-khilaafaan, isaga oo tix-raacayey hadalka Trump.

 

“Ma dhici karto inaad ahaataan saaxiibo 100% iska sheega wax wanaagsan. Xitaa taas kama heleysid qoyskaaga, mar walba waxaa jiraya isfaham waa. Marka taas maskaxda ayaan ku haynaa” ayuu yidhi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah.

 

“Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku idhi ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yidhi Trump.

Inkasto Maxamed Bin Salman uu bixiyey jawaab daciifnimo ah ,haddana wuxuu gadaal kasii raaciyey “Dowladda Sacuudiga waxay jirtay Mareykanka ka hor 30 sano, Boqortooyadana lacag kuma bixin doonto in amaankeeda la sugo”

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...