600 War Deg Deg ah::Alshabab Oo Digniin U Dirtay Goobaha Waxbarashada Muqdisho, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg ah::Alshabab Oo Digniin U Dirtay Goobaha Waxbarashada Muqdisho,

Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya Dugsiyada Hoose illaa Dhexe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
- Jan 17, 2021
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
Deg Deg Daawo:Cali Mahdi oo Ka Digay Halis dhici karta Hadii Lagaadho 8 February,
- Jan 17, 2021
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga ...
Deg Deg:Itoobiya Oo wefti Culus usoo Dirtay Buuhoodle.
- Jan 17, 2021
Wafti ka socda Dawlad deegaanka somalida oo ka Qayb lixaad leh ka Qaatay Nabadta ...
Deg Deg Daawo Xildhibaan Mahad Salaad Oo Dhaliil Kulul Uu Jeediye Farmaajo
- Jan 17, 2021
https://www.youtube.com/watch?v=hPrCNCYuPSE