600 Deg Deg Daawo Sawiro:Laascaanood Oo Laga Furay Cisbitaal Casri Ah. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Sawiro:Laascaanood Oo Laga Furay Cisbitaal Casri Ah.

Cusbitaalka Gargaar Lasanod oo ka mid noqon doona goobaha Caafimaad ee adeega bulshada ayaa maanta xadhiga laga jarey ,

Waxaana ka soo qayb galey Munaasibada Xadhiga Looga qaar ka mida haldoorka bulshada gobolka Sool,

 

Cusbitaalka oo ay fureen dhalinyaro dalka iyo dibadaba wax ku soo bartey isla markaana ku kharash gareeyey
dhaqaale badan si Cusbitaalku uu helo qalab casri ah oo loogu adeego bulshada Dhinaca Caafimaadka ,

 

Adeegyada Cusbitaalku uu u hayo bulshada Sida ay sheegeen Maamulka Cusbitaalka Waxaa ka mid ah :

 

1: Qaybta Dhalmada iyo Dhallaanka .
2: Qaybta Bukaan Jiifka iyo Bukaan Socodka .
3: Qaybta Shaybaadhka .
4: Qaybta Daawooyinka .
5: Qaybta Gargaar ka deg deg ah oo shaqaynaysa 24/7 Todobaadkii .
6: Qaybta Qalliimada .
7: Qaybta Cudurada guud ee Caruuta .
8: Qaybta Daryeelka gaar ah

Cusbitaalka ayaan Waxaa sidoo kale ka hawl gelaya Hawl wadeeno Caafimaad oo u isugu jira Dhakhaatiir kala duwan ,
iyo Shaqaale Caafimaad , Sidoo kale , Waxaa ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgeli doonta .

Drs Amiira Kulmineera oo ah dhakhtarad ku takhasusey Cudurada Dumarka Daaweyntooda iyo Qalliimadooda .

Dr Xudeyfa Dr Bile oo ah khatra ku takhasusey Cudurada guud iyo kuwa ciyaalka iyo Dhakhtar ku Takhasusey Sanka Cunaha iyo Dhegeha

Sidoo kale , Cusbitaalka ayaa shaqaynaya si Joogto ah 4 kii Saac , Waxaana ay sheegeen in Sadexda Casho ee ugu horeeya
Kaadhku Bilaasha , adeegyada kalena 50 % Qiime dhimis yahay .

Gargaar Hospital Las’anod

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...