dahabshiil

Sir Culus::Iskuullada Muqdisho Oo lagu soo kordhiyey maaddo uu qoray Farmaajo

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay hadal jawaab u ah khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey magaalada Muqdisho khamiistii, ee uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu magac daray “Siyaasiga xanaaqsan” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo.

“Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm.

ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas.

Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco.

Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




script>
Daawo Video:Gabay lagu Garaacay Muuse Biixi “Geestan U jeestaba Geesigii Farmaaja Iga Sii Hor Galaaye’
- Oct 20, 2018
Waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa Abwaan Reer Burco Ah Oo Gabayga HANDARAAB Kabaha ...
Deg Deg Daawo Sawiro:Diyaar Garow Xoogan Oo Ka Socda Garoowe …
- Oct 20, 2018
Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad loo adkeeyay iyadoo la filayo in Saacadaha soo ...
Deg Deg:::Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday Mushahaarka Uqaado Bishii,
- Oct 20, 2018
Ra’isiul wasaaraha Daka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa shaaca ka qaaday inuu 7 maalin joogo ...
Daawo Video:Fashilka Muuse Biixi Dhex Xamaranaayo iyo Warbixin lagu Karbaashay,
- Oct 20, 2018
Mudo Haatan Ku Dhow sanad waxaa haya xilka Madaxweyne nimo ee maamulka SNm muuse ...
War Deg Deg Ah:Qarax Ka Dhacay Muqdisho,
- Oct 20, 2018
Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay guri ku yaalla xaafada Buulo-mugdi oo ka tirsan ...