dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Ergo Soo Gaadhay Garoowe iyo Arrimaha ay Usocdan,

Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta Gaadhay  magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Halkan Ka Daawo Video

Wafdigan oo ka kooban Senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo howl wadeeno ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garowe uga horeeya Senator C/raxmaan Faroole oo Guddoomiye u ah Wafdiga Aqalka Sare ee Puntland loo diray.

 

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii xog uruurin dhab ah uga keeni lahaayeen tabashada maamul goboleedka Puntland ka qabo dowladda Federaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

 

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo golayaasha dowlad goboleedka Puntland.

 

Lama oga inta uu qaadan doono safarka wafdigan, hase ahaatee waxaa la filayaa in wixii ay kala soo kulmaan ay dib ula soo laaban doonaan Aqalka sare, si ay warbixin u siiyaan.

 

Wafuud ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la isku raacay in loo dirayo xarumaha shanta dowlad goboleedyada.

 

Aqalka sare oo shalay isugu yimid shir aan caadi aheyn ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara, una kuur gala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada, isla markaasna xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

 

Maamul goboleedyada ayaa shuruud ku xiray shirka uu ku baaqay Madacweyne Farmaajo, waxaana ay soo jeediyeen in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadin iyo damaanad qaade ka noqota wada hadalada iyo in la isla meel dhigo goob ammaan ah inuu shirka ka dhaco.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Deg Deg Daawo Video:Xildhibaano iyo Wasiro U Jawaabay C/wali Gaas,
- Sep 21, 2018
Hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas ayaa siweyn u ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Cagjar Oo Ka Hadlay Mowqifka ONLIF iyo Arrimo Kale.
- Sep 21, 2018
Madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida Ogadenia mudane Mustafa Cagjar isaga iyo wafdi kale oo matalaya ...
Deg Deg Daawo Video::Muuse Biixi oo Dajiyay Qorshe Cusub Oo lagu Dilaayo Shacabka SSC,
- Sep 20, 2018
Shacabaka magaalada laascaanood ayaa ka hadlay qorshe halis badan oo lagu badhtil maameedsan karo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka laascaanood Oo Ka Digay Halista Horgal Baashe Iyo Ina Kaahin,
- Sep 20, 2018
Iyadoo maalmahan ay magaalada laascaanood ku sugnaayen horgal baashe maxamed faarax oo ah gudoomiyaha ...
Daawo Video:C/wali Gaas Oo Beelaha Bay iyo Bakool Ku Qaaday Weerar,
- Sep 20, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka ...